Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Ka Farxisay Shacabka Gobolka Selel

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Wasiirka Gashandhiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Bangiga-dhexe, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Baanka dhexe iyo Badhasaabada Gobollada Awdal iyo Sallel, Maayirka Degmada Saylac iyo masuuliyiin kale ayaa xadhiga ka jaray dhismayaal laga hirgaliyey magaalooyinka Saylac iyo Lawyo-Cado ee gobolka Selel.

Mashaariicdan oo qayb ka ah mashaariic door ah oo Gobolka Sallel laga hirgaliyey waxa wajigoodii 1aad xadhiga laga jaray

1. Dhismaha Laanta Bangiga ee Saylac.

2. Dhismaha Xarunta Xisaabaadka Guud ee Gobolka Sallel.

3. Dhismaha Hangarka Baddeecaddaha ee kastamka saylac.

4. Dhismaha laanta police ka Lawyocado.

5. Mishiin casri ah oo lagu soo kordhiyey Kastamka Lawyo-Cado, kaasi oo loogu talogalay in lagu hubiyo badeecaddaha Dalka ka soo galaya dhinaca Djibouti.

Xadhig ka jarista Dhismayaashaas ka dib, waxa Munaasibad lagu faahfaahiyey Mashaariicdaasi iyo dedaalka Maamulka Gobolku ugu jiro Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha lagu qabtay xarunta Dawladda Hoose ee Saylac.

Ugu horrayn, waxa halkaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Selel Mawliid Maxamed Nuur, waxaanu sharaxay Marxaladihii ay soo mareen hirgelinta Mashaariicda la dhamaystiray iyo qorsheyaasha kale ee horumarineed ee soo aaddan.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Maamulka Degmada Saylac iyo Waxgaradka deegaankaasi, waxayna soo dhaweeyeen Mashaariicda horumarineed ee la hirgeliyey.

Badhasaabka gobolka Awdal, Agaasimaha guud ee Baanka dhexe iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa iyaguna halkaas hadalo ka jeediyey.

Ugu dambayn, waxa halkaas ka hadlay osla-markaana munaasibaddaas soo gebogabeeyay Wasiirka Gaashaandhigga oo fulinta Mashaariicdani imanayaan isagoo muddo kooban xilka haya.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office