Soomaaliya: Maraykanka Oo Weerar La Beegsaday Al-shabaab

0

USA (Arabsiyo) – Taliska milatariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gaysteen meel u dhow deegaanka Jilib ee Soomaaliya 15-kii bishan, maalintaas oo ah ta ay Al-Shabaab sheegeen in laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo ay ururku la-hayste ahaan u haysteen lagu dilay duqayn ay gaysteen Maraykanka.

War qoraal ah oo talisku u soo diray Warbaahinta, ayey ku sheegeen inay xaaqiijinayaan in 15-kii February ay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib, duqayntaas oo Maraykanku sheegeen inay ka dhan ahayd Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in duqayn ay Maraykanku gaysteen saacidihii hore ee Khamiistii lagu dilay labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo ay maleeshiyaadka al-Shabaab kasoo afduubteen Mandera Kenya, bishii April 2019-kii.

“Waan ka warqabnaa wararka sheegaya eedda ah in duqayntu dishay laba rayid ah. Ma hayno xog dheeraad ah waqtigan oo ku saabsan wararkaas, hase yeeshee wixii sheegasho ah ee la xiriirta dhib soo gaaray rayid way nagu weyn tahay,” ayey AFRICOM ku sheegtay warkaas qoraalka ah, kaasi oo intaas ku daray “Taliska ayaa sii wadaya qiimaynta natiijada hawlgalkan, waxaana bixin doonaa xog dheeraad ah markii la helo,”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office