Qaraxyo Ka Dhacay Dalka Pakistaan

0

Pakistan (Arabsiyo) – Labo qarax oo bambaano loo adeegsaday, ayaa lagu dilay ugu yaraan 22 qof gobolka Balochistan ee dalka Pakistan maalin ka hor doorashada guud, sida ay saraakiishu sheegeen.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa ku dhintay 14 qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa afaafka hore ee xafiiska musharaxiinta ee degmada Pishin.

Qaraxa labaad ayaa sababay dhimashada 8 ruux oo ka dhacay degmada Qillah Saif Ullah, oo qiyaastii 150km (93 mayl) u jirta. Dad badan oo kale ayaa ku dhaawacmay labada qarax.

Doorashada ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo sheegasho ku saabsan ku shubasho.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office