Hargeysa (Arabsiyo) – Tan iyo Bilowgii sannadka 2024, waxa kor u kacay dedaallada lagu doonayo in lagaga midho-dhaliyo hiigsiga Aqoonsiga Somaliland raadinaysay muddada dheer.
Heshiiska Somaliland la gashay Itoobiya 1-dii January 2024, ayaa soo nooleeyay ididiilada Shacabka Somaliland ee ku aaddan Aqoonsiga.
Gudaha iyo dibedda dalka waxa ka.socda dedaalka aqoonsi-raadinta, wallow Qurbe-joogtu ka dheereeyeen Shacabka gudaha oo badankoodu ku mashquulsan arrimo kale.
Professor Ibraahim Meecaad oo ka mid aqoonyahannada Somaliland ee ku nool dalka dibeddiisa, ayaa Warbaahinta iyo Shacabka Somaliland u soo jeediyey in marka laga hadlayo heshiiska Itoobiya miiisaanka loo badiyo oo hal-haysku noqdo “Aqoonsiga Somaliland”, maadaama oo ujeeddada koowaad ee Somaliland heshiiska u gashay yahay aqoonsiga.
Aqoonyahan Meecaad, ayaa waraysi uu siiyey Arabsiyo News ku iftiimiyey sida heshiiska Addis Ababa uu u horseeday in Dawladaha kale ee caalamkuna ka hadlaan qadiyadda Somaliland, siyaasad ahaana ay kala taageeraan, sidaa awgeed wuxuu Muwaadiniinta kula dardaarmay inay fadhiga ka kacaan oo ay hawlaha socda doorkooda ka qaataan.
Waraysiga Prof. Meecaad halkan Hoose ka Daawo









