Qaramada Midoobay Oo Xasan Sheekh U Jeedisay Cambaarayn Ku Aadan Heshiiska Aqoonsiga Somaliland

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Qaramada Midoobay, ayaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku canaanatay in Tallaabooyinka uu kaga hor-tagayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya yihiin kuwo aan lahayn xuduud cayiman, taasina keentay fursad ay kaga faa’idaystaan Al-shabaab.

Catriona Laing, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya ee loo yaqaano (UNSOM), ayaa u sheegtay xubnaha Golaha Ammaanka in “inay niyad-jab tahay in Shir-madaxeedkii Midowga Afrika” aanu ka soo bixin wax horumar ah oo lagu qaboojin karo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isfaham ee 1-dii January 2024 kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland..”

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u soo jeedisay in tallaabooyinkiisa lidka ku heshiiska Somaliland iyo Itoobiya noqdaan kuwo cabbirkoodu sugan yahay, si aanay u horseedin mushkilad kale “Qaramada Midoobay waxay ku dhiirigelinaysaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud “inuu cabbiro ama qiyaaso” jawaabtii uu ka bixinayo heshiiskii is-afgaradka ee 01-kii January ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland. Kaasi oo dhigaya In Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20KM oo baddeeda ka mid ah muddo 50 sano ah, iyadoo kaga beddelaysa faa’idooyin siyaasadeed iyo kiwo dhaqaale” ayay tidhi Catriona Laing, waxayna intaas ku dartay “inay ka walaacsan tahay in la arko kooxda Al-shabaab oo ka faa’iidaysanaysa xaaladda” sidaa darteedna ay u soo jeedinayso in dhinacyadu yeeshaan Wada-hadallo nabadeed oo xal lagaga gaadho khilaafka taagan.

Shirkii 37-aad ee Ururka Midowga Afrika oo qabsoomay 17-18-ka Bishan February, ayaanay ka soo bixin wax la taaban karo oo ku saabsan xiisada Itoobiya & Somalia, ka dib markii Madaxweyne Xasan oo maalintii hadal ka jeediyey uu Itoobiya ku eedeeyay inay isku-dayday inay ka hor-joogsato ka qayb-galkiisa shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Xasan Sheekh, ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya inuu fashiliyo heshiiska Aqoonsiga ee Somaliland la gashay Itoobiya.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office