Somaliland Oo Kenya Ka Dacwaysay Xildhibaan Faarax Macalin Oo Ka Mid Ah Baarlamaanka Dalkaas

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda JSL, ayaa ka hadashay xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Somaliland si nabad ah uga shaqaystaan in ka badan 10 kun oo Muwaadiniinta reer Kenya, laakiin ay nasiib-darro tahay in Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya uu ka shaqaynayo sidii loo burburin lahaa Somaliland.

Waxay sheegtay Xukuumadda JSL, in aanay u dul-qaadan doonin hadallada naxliga ah ee uu Xildhibaankaasi kaga soo horjeedo Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Sonaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey bartiisa X ama Twitter-ka ayaa Dawladda Kenya ugu baaqay inay caddayso Mawifkeeda ku aaddan dagaalka uu Faarax Macalin ku hayo Somaliland, waxaanu yidhi “In ka badan toban kun oo muwaadiniin Kenyaan ah ayaa si nabad ah ugu nool, si nabad ahna uga shaqeeya JSL, haddana xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo ah Faarax Macalin, ayaa ku hawlan rabshado iyo dhaqdhaqaaqyo uu ku burburinayo Somaliland..”

Wasiir ku-xigeenku wuxuu u Mahad-celiyey Muwaadiniinta Kenya iyo kuwa Somaliland ee ka hor-yimid hadallada Faarax Macalin, waxaanu farriin u diray Dawladda Kenya “Anaga oo ah waddan curdin ah oo ku yaalla gobol aad u qallafsan, u dulqaadan mayno hadallada xun-xun ee ka soo yeedhaya (Faarax Macalin). Waxaan u soo jeedinayaa dawladda Jamhuuriyadda Kenya inay caddeeyaan mawqifkooda, mar haddii Xildhibaan Faarax Macalin uu si cad ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland..”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “Waxaan u mahad-naqayaa muwaadiniinta Kenya ee ku sugan Kenya iyo Somaliland-ba oo si geesinnimo leh uga soo horjeestay hadalladaas qayru-masuulnimada ah. Khaa’inul waddanku waligiis ilaalin maayo danta qaran ee dalkiisa iyo dadkiisa..”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office