USA (Arabsiyo) – Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Mareykanka ayaa diiday qorshe uu soo diyaariyey xisbiga Jamhuuriga oo doonaya in lacag gaareysa $17.6 bilyan oo dollar oo dheeraad ah loogu deeqo Israel.
Codbixinta xildhibaanada ayaa ahayd 250 diiday iyo 180 taageertay, iyadoo 166 Dimuqraadi ah iyo 14 Jamhuuriga ka tirsan ay kasoo horjeesteen qorshahan lagu taageerayey Israel.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa horey u hor istaagay ansixinta miisaaniyadda xukuumada Joe Biden soo diyaarisay, taas oo ay ku jirtay in $14 bilyan lagu taageero Israel, halka sidoo kale Ukraine loogu deeqi lahaa $60 bilyan oo dollar.
Xildhibaanada Jamhuuriga ayaa kasoo horjeeda in dalka Ukraine wax deeq ah la siiyo, balse taageersan in Israel lacagta la siiyo, iyagoo soo diyaariyey qorshahan si gaar ah loogu ansixin lahaa Israel deeqdaas dhaqaale, hase yeesheen qorshahan ayaa fashilmay, kadib markii codeynta ay waayeen taageerada aqlabiyada Golaha Wakiilada.









