Dagaal Ka Dhacay Qori-lugud Oo Cashar Loogu Dhigay Huwanta

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Dagaal, ayaa Maanta ka dhacay bariga degmada Qori-lugud ee gobolka Buuhoodle.

Dagaalka ayaa bilaabmay, ka dib markii Maleeshiyaad ka mid ah Huwantu weerareen Maleeshiyaadka deegaanka Qori-lugud oo deggan deegaan hoos taga degmada Qori-lugud.

Waxa la sheegay In dagaalka oo gelinkii hore Qarxay uu ku fiday deegaano hoos taga Kalshaale iyo Ceelka loo yaqaano Buqle.

Wararka halkaa ka imanaya, ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka deegaanka Qori-lugud ay dhirbaaxo Culus ku dhufteen Maleeshiyaadka Huwanta, taasi oo keentay in Maleeshiyaadkii weearka ahaa loo eryado dhankii ay weerarka ka soo qaadeen.

Dagaalkan oo saacado qaatay, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dagaalku salka ku hayo qorshe kooxaha Huwanta ahi ku doonayaan inay ku fidiyaan colaadda degaano badan.

Arabsiyonews/Hargeisa Office