Jabuuti (Arabsiyo) – Dawladda Jabuuti ayaa tallaabo ka qaadday Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo hore u ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, balse ka fallaagoobay.
Dawladda Jabuuti, ayaa Cabdirisaaq Khaliif ka qaadday Baasaaboorka dalka Jabuuti oo uu sitay isla-markaana u adeegsan jiray safarrada uu ugu baxo dalalka caalamka.
Ma jiro War rasmiya oo Dawladda Jabuuti ka soo saartay go’aanka ay Khaliif kagala noqotay Baasaaboorka, balse ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, ayaa Warbaahinta u sheegay in Dawladda Jabuuti ay Baasaaboorkii ka qaadday Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo wax ka abaabulay dagaalka 8-da bilood ka socday Magaalada Laascaanood ee Somaliland.
Lama oga sababta dhabta ah ee Jabuuti baasaaboorka uga qaadday Mr. Khaliif, hase-yeeshee waxa la weriyey inuu jiro tuhun ku xidhiidhinaya urur-diimeedyada khatarta ku ah amniga dalalka gobolka Geeska Afrika ee Jabuuti ka mid tahay.
Hay’adaha Sirdoonka ee Dawladaha gobolka ee Somaliland iyo Jabuuti ka mid yihiin ayaa ka wada shaqaynaya la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee lagu tuhmayo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.