Faahfaahin Ku Saabsan Weerar Culus Oo Lagu Dilay 70 Isrealiyiin Ah

0

Isreal (Arabsiyo) – Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan ayaa waxaa uu lahaa laba weji.

Tobaneeyo nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil.

Raggan hubeysan ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay qalabka bixiya digniinaha.

Maleeshiyaadka ayaa ku galay Israa’iil mootooyin, waxaana jira warar sheegaya in rabshado ay ka dhaceen in ka badan labaatan goobood.

Raadiyaha Israel ayaa sheegay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubay. balse Israa’iil way ka gaabsatay arrinta afduubka la sheegay in ay Xamas geysteen.

Wajiga labaad ee weerarka xamaas ayaa ahaa mid dhanka gantaalada ah oo ay Israa’iil ku ganeen.

Taliye sare oo ka tirsan Xamaas ayaa ku andacoonaya in kumannaan gantaal ay ku garaaceen gudaha Israa’iil.

Howlgalkan ayay kooxda Xamaas ugu magac dareen “Howlgalka duufaanta Al-aqsa.

Muuqaal aan wali si madaxbanaan loo xaqiijin ayaa muujinaya tiro askarta Israa’iil ah oo dhintay. Gawaadhi ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale la weeraray iyadoo qaarkood la qabsaday islamarkana ay dagaalyahanada Xamas u qaadeen Qaza.

Israa’iil ayaa leh mid ka mid ah shabakadaha sirdoon ee ugu ballaaran uguna casrisan Bariga Dhexe, gudaha iyo dibaddaba.

Waxay leedahay shaqsiyaad sirdoon oo wararka u soo gudbiya islamarkana ku dhex jira kooxaha xagjirka ah maahan dhulka falastiiniyiinta oo keliya laakiin Lubnaan, Suuriya iyo meelo kale.

Waxaa horey sirdoonkooda ugu suurtagashay in ay dilaan hoggaamiyeyaasha xagjirka ah iyada oo la adeegsanayo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama xitaa taleefoonnada gacanta.

Haddana maanta, dhammaadka fasaxa Yuhuudda, waxay u muuqataa in lagu qabtay hurdadii oo la gaaday.

Xamas waxay awoodday in ay qorsheeyso oo ay fuliso weerarkan sida taxadarka leh loo agaasimay ee ay u muuqato in Israel ay ka war heli waysay.

Way iska caddahay in Israa’iil ay qaadi doonto weerar culus oo aargosi ah, balse waxaa taalla su’aasha ah sababta sirdoonkoodu ay ugu guuldareysteen in ay ogaadaan weerarkan islamarkana ayna digniin u bixin.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in toboneeyo ah diyaaradahooda dagaalka ah ay duqeymo ka wadaan bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza.

Wasaaradda gaashaandhiga Israa’iil ayaa sheegtay in heeggan sare la galiyay militirada ” iyaga oo ka jawaabaya weerarka lama filaanka ah ee Gaza.

Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in ay wali waddo qiimeynta weerarkani lama filaanka ah ee lagu soo qaaday.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay sidoo kale inay billaabayaan howlgalka ay ugu magac dareen”seefta birta ah” kaasi oo ka dhan ah kooxda Xamaas ee Marinka Gaza.

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa xusay in Xamaas ay bilaabeen dagaal ka dhan ah Israa’iil.

Yoav Gallant ayaa bayaan uu soo saaray ku yidh: “Xamas waxay saaka samaysay khalad weyn, waxayna bilaabeen dagaal ka dhan ah dawladda Israa’iil”.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhanka kale farta ku fiiqay in la ansixiyay qorsho dib loogu yeedhayo ciidamada kaydadka militariga.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Israa’iil ay “goob walba kula dagaalamayaan cadowga ayna Dowladda Israa’iil ku guuleysan doonto dagaalkan”

Dhanka kale, Hay’adaha gargaarka degdega ah ayaa sheegay in tirada dhimashada Israa’iil ee ka dhalatay weerarka lama filaanka ee ay ku qaadday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay gaadhay 70 qof iyo boqollaal dhaawac ah.

Halka Shacabka Falastiin ee duqaymaha Diyaaradaha Isreal ku dhintay ay gaadhay illaa 150 Qof.

Dhowr dal ayaa ilaa iyo imika ka hadlay xiisada iyo dagaalka ka dhex aloosan Xamaas iyo Israa’iil.

Mareykanka ayaa cambaareeyay dagaalka, wuxuuna ku booriyay labada dhinac inay ka waantoobaan kala aargoosiga.

Masar, oo inta badan dhex dhexaadisa Israel iyo mintidiinta Falastiin, ayaa labada dhinac uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda hadda taagan.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa ku baaqday in la muujiyo is-xakameynta ugu badan iyo baahida loo qabo in la badbaadiyo dadka rayidka ah.

Midowga Yurub iyo dhowr waddan oo ah kuwa qaaradda Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

Dawladda Kuwait, ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada ka taagan marinka Gaza iyo dhulka la heysto ee Falastiin, waxayna ku eedeysay Israel inay mas’uul ka tahay xasaradihii ugu dambeeyay ee ka dhacay marinka Gaza iyo dhulka la heysto ee Falastiin, taasi oo ku timid xadgudubyada joogtada ah iyo weeraro ay geysteen maamulka gumeysiga Israa’iil ee ka dhanka ah Masjidka barakaysan, sida lagu sheegay bayaanka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kuwait ayaa xaqiijisay inay beesha caalamka, gaar ahaanna golaha ammaanka ka codsatay inay la wareegaan mas’uuliyadda joojinta rabshadaha socda, ilaalinta shacabka walaalahooda ah ee reer Falastiin, lana joojiyo dhaqamada kicinta ah ee maamulka gumeysiga, gaar ahaan kuwa socda hadda, ku xad gudubka xurmada Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo siyaasada dhul balaarsiga

Sidoo kale, Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku baaqday “in si degdeg ah loo joojiyo” xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, lana tix geliyo “ilaalinta rayidka.”

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, “Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay si dhow ula socotaa xaaladda aan la fileyn ee u dhaxaysa tiro ka mid ah kooxaha falastiiniyiinta iyo ciidamada guumaysiga Israa’iil,” ee ay “ka dhasheen rabshadaha halkaas ka socdaa”.

Waxay ku baaqday “in si degdeg ah loo joojiyo colaadda u dhexeysa labada dhinac, la ilaaliyo rayidka la isna xakameeyo.”

Boqortooyadu waxay dib u xustay “digniinteeda soo noqnoqota ee ku aaddan khatarta ka dhalan karta gumeysiga sii socda ee Israel, duudsiga dadka Falastiiniyiinta xuquuqdooda, iyo ku celcelinta daandaansiga joogtada ah ee ka dhanka ah xurmada.”

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay “inay dhaqaajiyaan geeddi-socod nabadeed oo horseeda xal laba dawladood ah” oo nabadda gobolka laga hirgeliyo.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isaguna ka hadlay, ayaa ku baaqay “Isxakamayn ayaan ugu baaqaynaa dhincayada oo dhan,” ayuu madaxweyne Erdogan ka yidhii shir ka dhacayey magaalada Ankara oo ay lahaayeen xisbigiisa AK. Waxaanu intaa ku daray “Waa inay ka dheeradaan falalka qallafsan,”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office