Maraykanka Oo Ka Shiray Argagixisada Laascaanood Ku Sugan

0

USA (Arabsiyo) – Toddobaadkan, Guddi-hoosaadka Amniga Gudaha ee Aqalka Sare ee Sanet-ka Maraykanka ee La-dagaalanka Argagaxisada, Dhaqangelinta Sharciga, iyo Sirdoonka, ayaa qabtay fadhi ay ku eegayeen khataraha isa soo taraya ee kooxaha argagixisada ah ee Afrika iyo saamaynta ay ku leeyihiin ammaanka Maraykanka iyo dalalka kale ee Caalamka.

Warka ayaa lagu sheegyay in Goob-joogayaasha kulankaasi ay xaqiijiyeen khataraha xasillooni-darro ee ay gobolka Geeska Afrika ka hurinayaan kooxaha argagixisada ah, sida kooxaha xidhiidhka la leh Al-Qaacida & Daacish isla-markaana naceybka u qaba reer galbeedka.

“Waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo la-shaqeynta la-hawlgalayaasha iyo xulafada gobolka si loola dagaallamo khatarahaas” ayaa lagu yidhi War lagu faahfaahiyey kulankaasi, kaasi oo intaa ku daray “Xubnaha Sanet-ku waxay maqleen markhaatiyo ku saabsan sida ay tahay inaan uga digtoonaano “si aan u xakameyno, ugana hortagno hanjabaadaha na soo food saari kara..”

Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika J. Peter Pham & diblumaasiyiin kale, ayaa ka marag kacay khatarta argagixisada ee Afrika, waxaanu qoraal uu ku baahiyey Twitter-ka ku sheegay inay guul-darro tahay in Maraykanku uu Somaliland iskaashi muuqda kala samayn waayo la-dagaalanka Argagixisada gobolka, halka uu Soomaaliya ku taageero Malaayiin Dollar “Waa Arrin wanaagsan dib u eegistu, waana waa guul in aynu si istiraatijiyad ah Geeska Afrika ula macaamilno jamhuuriyada Somaliland oo ah dawlad shaqaynaysa, halka aynu balaayiin dollar ku shubi jirnay dawladii burburtay ee Soomaaliya, Dawladdaas oo Wasiirradeeda ay ku jiraan Argagixiso. Kuwaas oo dhowr sano ka hor waxay Dawladda Maraykanku madaxiisa dul-dhigtay $5 Milyan..”

Hadalka Ambassador Pham, ayaa muujinaya in Dawladda Maraykanku go’aansatay inay Somaliland iskaashi kala samayso la-dagaalanka Argagixisada, kuwaasi oo qaarkood ku sugan yihiin Laascaanood oo 8-dii bilood ee u dambeeyay uu ka socday dagaal ay kooxda Al-shabaab qayb ka tahay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office