Huwanta Laascaanood Oo Isku Khilaafsan Safar Uu Siciid Deni Halkaa Ku Tagayo

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ee Somaliland, ayaa la sheegay Inuu ku soo waajahan yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni.

Madaxweyne Deni oo ku sugan Magaalada Nairobi dalka Kenya, ayaa la sheegay in marka uu dib ugu laabto Garoowe, ay qorshaha ugu jirto inuu safar ku tago Magaalada Laascaanood.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa Arabsiyo News u sheegay in Ciidamo ka mid ah kuwa Madaxtooyada Puntland ay ka yimaaddeen Garoowe isla-markaana ay Laascaanood gaadheen, si ay xaaladda u qiimeeyaan, hadhowna u sugaan amniga Madaxweyne Deni oo doonaya inuu dhoolla-tus ku sameeyo Laascaanood, isagoo aaminsan in taageeradii uu Huwanta Laascaanood siiyey suurto-galisay in Ciidamada Qaranka Somaliland ka baxaan Laascaanood.

Ilo-wareedyadu waxa kale oo ay sheegeen In Magaalada Laascaanood ay ka socoto diyaar-garow kooxaha Huwanta ahi ugu diyaar-garoobayaan soo dhaweyntiisa.

Sidoo kale, Ciidamadii Puntland ka joogay Laascaanood, ayaa iyaguna bilaabay diyaar-garowga soo dhaweyntiisa iyo la socodka xaaladda amni ee halkaasi.

Waxaase la soo weriyey inuu jiro khilaaf arrintaas la xidhiidha, isla-markaana kooxaha Huwanta ah qaarkood ka soo horjeedaan in Madaxweynaha Puntland uu yimaaddo Laascaanood, iyagoo sheegaya in Puntland ka soo horjeedo in halkaa laga yagleelo Maamul Magaciisu yahay SSC-KHAATUMO.

Dadka ka soo horjeeda Tagista Deni ee Laascaanood, ayaa daliishanaya hadalkii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ee ahaa in dagaalkii Laascaanod ka socday muddada dheer ujeeddadiisu ahayd in la difaaco xuduudaha Puntland.

Safarka Deni doonayo inuu ku tago Laascaanood oo ah farriin siyaasadeed, ayaa waxa Isha ku haya Ciidamada Qaranka Somaliland oo degmada Oog ka wada diyaar-garowga dagaal culus oo ay Laascaanood dib ugu qabsadaan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office