Laascaanood (Arabsiyo) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Somaliland, ayaa waxa toddobaadkii hore tagay Taliyihii hore ee Booliska Soomaliya Cabdi Xasan Xijaar oo ka soo kicitimay Muqdisho.
Cabdi Xasan Xijaar oo u dhashay Magaalada Buuhoodle oo Dawladda Soomaaliya xilka ka qaadday, markii uu si qarsoodiya u taageeray kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood dagaallada ka wada, ayaa xilligan Magaalada Laascaanood u tagay inuu Garaaddada deegaankaas iyo Kooxaha Huwanta ah gaadhsiiyo xaqiiqada ah in beesha Caalamka, Ururka Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD isku raaceen in kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish ka barbar dagaalamayaan kooxaha Laascaanood ku sugan.
Xogta ah in Beesha Caalamku xaqiiqsatay in argagixiso ka dagalamayso Lascaanod, ayaa la sheegay in Taliye Xijaar uu ka helay xubno ka mid ah Hay’adaha amaanka Dawladaha Adduunka ee ay wada-shaqayntu ka dhaxaysay markii uu ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu xilligan ka shaqaynayo sidii xubnaha Al-shabaab ee magacyadooda la hayo looga qarin lahaa indhaha Caalamka, si haddii kormeerayaal Caalamiya tagaan Laascaanood aan loo arkin, isaga oo doonaya in huwantu beeniso xogta Caalamku hayo ee ah in Argagixiso qayb ka tahay dagaalka Laascaanood ee lidka ku ah Somaliland.
In beesha Caalamku aqoonsado in Laascaanood ay ku sugan yihiin Al-shabaab, ayaa waxa dedaal ku bixisay Dawladda Somaliland, dedaalkaas oo guulaystay, taasi oo horseedaysa in Somaliland ka hesho beesha Caalamka gacanta ay uga baahan tahay, si ay meesha uga saarto kooxahaasi.