Hargeysa (Arabsiyo) – Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod caqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo ururrada.
Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo ka mid ah guddi uu goluhu u saaray wax ka badalka xeerka doorashooyinka, ayaa golaha u sharaxay qodobada wax laga badalay, ka kor intaan si buuxda loo ansixin.
Wuxuu sheegay inay xeerka guud ee doorashooyinka ku soo kordhiyeen 13 Qodob oo cusub, isagoo hore u ahaa 154 Qodob
Wax ka beddelka Xeerkan ayaa ka dhashay soo jeedin ay sameeyeen qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka Somaliland, xeerka ayaa dhaqangal noqonaya marka ay golaha guurtidu ogolaadaan isla-markaana uu Madaxweynuhuna saxeexo.