Somaliland Oo Soomaaliya Ugu Baaqday Inay Safaarad Ka Furato Hargeysa

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Somaliland, ayaa ugu baaqday Dawladaha Bariga Afrika ee aan Hargeysa ku lahayn Safaarad inay ka furtaan.

Hargeysa, waxa Safaarado ku leh Dawladaha Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, sidaa darteed waxay Somaliland ugu baaqday in Dawladaha Suudaan, Koonfurta Suudaan, Eritrea, Uganda iyo Soomaaliya ay ku daydaan Dawladaha xilligan safaaradaha ku leh Hargeysa oo ay iyaguna Safaarado ku yeeshaan Hargeysa.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Maxamed Ducaale oo boggiisa Twitter-ka qoraal ku baahiyey, ayaa yidhi “Inta badan waddamada jaarka la ah Somaliland ee Itoobiya, Djabuuti & Kenya, waxay ka furteen safaarado dhamaystiran Magaalada Hargeysa. Waxa la joogaa wakhtigii ay ku dayan lahaayeen Waddamada IGAD ee Uganda, Koonfurta Suudaan, Sudan, Somalia & Eritrea)..”

Guddoomiye Maxamed Ducaale, waxa kale oo uu sheegay in Waddamada kale ee Midowga Afrikana ay u furan tahay inay iyaguna safaarado ka furtaan Hargeysa.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office