India (Arabsiyo) – Khilaaf, ayaa soo kala dhex galay Dawladaha Hindiya iyo Kanada.
Hindiya ayaa joojisay adeegyadii fiisaha ee Canada waxayna ku baaqday in la dhimo shaqaalaha dublamaasiyadda Kanada ee Hindiya, iyadoo uu sii xumaanayo khilaafka labada dal.
Hindiya waxay sheegtay in hanjabaadaha loo geysto muwaadiniinteeda ku sugan Kanada aysan Ottawa si dhab ah u qaadan.
Isniintii, ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa sheegay in laga yaabo in wakiilada Hindiya ay ku lug lahaayeen dilka nin u dhaqdhaqaaqa dadka Sikh oo lagu toogtay Canada bishii June.
Hindiya waxay sheegtay in eedaymahan ay yihiin”kuwo aan macquul ahayn” oo “siyaasadeed.