Maraykanka Oo Ogolaaday Inay Gudaha Dalkaa Ka Shaqeeyaan 500 Kun Oo Qoxooti Ah

0

USA (Arabsiyo) – Dadka reer Venezuela ee magangalyda ka raadsadsanaya Mareykanka ee horey ugu noolaa dalkaas waxaa loo ogolaan doonaa inay si sharci ah ugu shaqeeyaan xeerar cusub oo uu ku dhawaaqay maamulka Biden.

Qiyaastii 472,000 oo qof ayaa u qalmi doona Xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaadhka ah (TPS) muddo 18 bilood ah.

Waxay daba socotaa baaqyada Dimuqraadiyiinta ee ah in la balaadhiyo lana fududeeyo hab ay shaqada ku gali doonaan.

Magaalooyinka Mareykanka ayaa la daalaa dhacaya dad aad u badan oo ka cararaya qalalaasaha dhaqaale & kuwa siyaasadeed ee ka jira Venezuela.

Dadku waa inay ku nolaayeen Maraykanka 31 July ama ka hor si ay xaq ugu yeeshaan gargaarka masaafurinta ku meel gaadhka ah iyo helitaanka oggolaanshaha shaqada ee hoos timaada xeerka TPS.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office