Hargeysa (Arabsiyo) – Kooxaha Huwanta ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa Maanta soo bandhigay Maleeshiyaad ay ku ururiyeen duleedka galbeed ee Magalaadaasi.
Maleeshiyaadkan oo tiro ahaan aan badnayn, ayaa hoggaanka Huwantu ku sheegeen inay yihiin dadka deegaanka, balse waxa jira Tuhuno laga qabo inay yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab ee halkaasi ku sugan.
Wallow Al-shabaab ku sugan tahay Laascaanood, haddana Maleeshiyaadka Maanta la soo bandhigay, ayaa dhamantod wejigooda la qariyey, si aan loo aqoonsan, taasina waxay keentay shakiga ah inay yihiin Ciidanka kooxda Al-shabaab ee halkaas ku sugan.
Maleeshiyaadkan oo hoggaanka Huwantu khudbado u jeediyeen, ayaa qaarkood lagu sheegay inay qaabilsan yihiin wax loogu yeedhay ‘Cashuur Ururin’.
Hase-yeeshee, waxa indhaha ku haya isla-markaana la socda Dawladda Somaliland iyo Dalalka Geeska Afrika ee ka feejigan dhegaraha Al-shabaab iyo kooxaha kale ee Argagixisada.