Madaxweynaha Taiwan Oo Qaabishay Dr. Edna Aadan Iyo Safiirka Somaliland Ee Dalkaasi

0

Taipei (Arabsiyo) – Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabishay Dr. Edna Aadan Ismaaciil iyo Safiirka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji.

Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah Dad ku guulaystay Abaal-marinta Hay’adda daqanka iyo waxbarashada ee Taiwan oo qabatay bandhiggii 26-aad.

Edna Aadan oo loo doortay inay ku hadasho Afka dadka abaal-marinta ku guulaystay, ayaa markaasi ka dib waxa Madaxtooyada ku qaabishay Madweynaha dalkaasi Tsai Ing-wen.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Safaaradda Somaliland ee Taiwan, kaasi oo u qornaa sidan “Waxaan ku faraxsanahay in Madaxweyne Tsia ingwen uu ku soo dhaweeyay Edna Aadan iyo Ambassador Mohamed Hagi Xafiiska Madaxtooyada”

Waxa kale oo qoraalka Safaaradda lagu yidhi “Dr. Edna Aadan waxa ay ku guulaysatay abaal-marintii hay’adda caanka ah ee Chou Ta-Kuan Cultural and Educational..”

Abaal-marinta oo ah tii 26-aad ee la bixiyo, waxa sannadkii 1997-kii aasaasay waalidiintii dhalay iyo saaxiibadii gaarka ahaa ee Chou Ta-Kuan oo ahaa Abwaan u dhashay dalka Taiwan oo u geeriyooday Cudurka Kansarka.

Madaxweynaha Taiwan ayaa aqalka madaxtooyada kulan kula yeelatay Shaqsiyaad isaga kala yimi caalamka oo sannadkan ku guulaystay abaalmarintan, kuwaas oo loo xushay saamaynta ay ku yeesheen waxqabadyada dhinaca adeegyada caafimaadka ee bulshadooda.

War kooban oo qoraal ah oo kulankaas laga soo saaray ayaa lagu sheegay in daryeelka caafimaadku uu ka gudbay xuduudaha caalamiga ah isla markaana uu si wada jir ah u bedeli doono masiirka kuwa sida wanaagsan wax u wada.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office