Gal-mudug (Arabsiyo) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in shaqsi ka tirsan ururka Al-shabaab uu saaka weerar ismiidaamin ah kusoo qaaday halka uu ka degganaa deegaanka Laas – Gacameey oo u dhow Bacaadweyne madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Halka uu weerarka ismiidaaminta ah ka dhacay waxaa sidoo kale ku sugnaa mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa ka mida xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la sheegay in uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaasi iyo sidoo kale xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad oo sida aan xogta ku heleyno uu isaguna soo gaaray dhaawac fudud.
Kooxda Al-shabaab ayaa saakay waaberigii gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ku weerartay madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa degaanka Laas-gacamey oo katirsan degmada Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa ka hor tagay weerarkan ka hor inta uusan soo gaarin goobta ay ku sugnaa masuuliyiinta.
Ciidamo katirsan madaxtooyada Galmudug ayaa ku geeriyooday weerarka, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Daraawiishta Galmudug.