Faysal Cali Waraabe Oo U Quus-gooyey Huwanta Laascaanood

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, wax Shalay tagay Wefti iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda Soomaaliya.

Weftigan oo Xalay Xaflad loogu qabtay Laascaanood, ayaa halkaa u tagay inay taageero iyo hiil u muujiyaan kooxaha Huwanta ah ee muddada 9-ka bilood ah dhibaatada ka wada halkaasi.

Cabdiqaadir Firdhiye oo xilligan ku Magacaaban hoggaamiyaha Huwanta oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay u taagan yihiin Midnimada Soomaaliya, qibladooduna tahay Muqdisho.

Dooddan caynkaas ah oo laga fahmayo inuu taageero kaga doonayo Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay on Weftiga tagay Laascaanood aanay waxba ka beddeli karin xuduudka caalamiga ah ee Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Jimcaha Maanta qoraal ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Shabakada Twitter-ka, ayaa meel adag iska taagay dhaqdhaqaaqa & damaashaadka kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood ku sugan, waxaanu sheegay in dhawaan waxaasi isku beddeli doonto Riyo.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Weftigii Xamar ka yimid ee Laascaanood tagay, waxba ka beddeli maayaan xuduudaha Somaliland ee caalamiga ah. Riwaayadda & raynrayntu waxay dhawaan isku beddeli doontaa oohin iyo Riyo..”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in JSL ay dhawaan Laascaanood ka saarayso kooxaha Huwanta ah “Somaliland waxay dhawaan dalka ka saari doontaa kuwa ku soo qaaday duullaanka waxashnimada ah Laascaanood, waxayna sugi doontaa dhammaan xuduudaheeda, Illahay idamkii..” ayuu yidhi.

Dawladda Somaliland, ayaa wadda diyaar-garow xoog leh, si ay Huwanta uga saarto Laascaanood.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office