Dhacdooyinka Naxdinta Leh Ee Laga Diwaangeliyey Dhul-gariirkii Morocco 

0

Morrocco (Arabsiyo) – Dhulgariirkii dhawaan ku dhuftay dalka Morrocco ayaa waxa marba marka ka dambeysa ka soo baxaya sheekooyin naxdin leh.

Waxaa dadkii ku dhintay dhul-gariirkaasi ka mid ah arday ku jirtay iskuul oo gabi ahaantood-ba ku geeriyooday.

Macllimadda lagu magacaaabo Nesreen Abu ElFadel ayaa waxaa ay dhulgariirka ku weysay dhammaan ardeydii ay fasalka u dhii jirtay.

Nesreen Abu ElFadel waxay joogtay magaalada Marrakesh – laakiin Adaseel oo ah tuula buuraleyda oo hoy u ahayd dugsigeeda iyo ardaydeeda, ayaa ahayd xuddunta dhulgariirka.

Macalimadan oo dhigta afafka Carabiga iyo faransiiska waxay ku laabatay Cadaseel halkaas oo ay guda gashay raadinta carruurta. Waxay ogaatay in dhammaan 32 arday oo ay dad’doodu u dhexeeysay 6 ilaa 12 ay dhinteen.

“Waxaan aaday tuulada, waxaana bilaabay inaan wax ka weydiiyo caruurteyda: ‘Aaway Somaya? Aaway Yuusuf? Aaway gabadh heblo? Aaway wiilkaas?’ Jawaabtu waxay timid saacado ka dib: ‘Dhammaantood way dhinteen.”

 Arabsiyonews.com/Hargeisa Office