Libya (Arabsiyo) – Gargaar caalami ah oo dheeraad ah ayaa soo gaadhaya Liibiya iyada oo waddanku uu halgan ugu jiro ka dib markii daadad ay ku dhinteen kumannaan qof oo ku noolaa magaalada Derna halka qar kalena ay hoy la’aan noqdeen.
Diyaarad xamuul ah oo ay soo dirtay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo keenaya kooxaha gargaarka iyo caawinno ayaa gaadhay garoonka diyaaradaha ee Benina ee magaalada Banghazi.
Sahayda waxaa loo qaadi doonaa Derna, oo qiyaastii 300km (186 mayl) bari ka xigta magaaladaas.
Sidoo kale, Masaajiddada ku yaalla dalka UK ayaa deeqo loogu ururinayey dalka Liibiya.
Salaadda Jimcaha oo ah maalinta ugu mashquulka badan masaajidada, ayaa lacago loogu ururriyay dadka Libya.
Barnaamijkan ayaa waxaa isku soo dubariday hay’adda Islamic Relief oo kooxo iyada ka tirsan ay hadda joogaan Libya iyadoo kaasahneysa masaajiddo dhowr ah.
Liibiya, waxa ka dhacday Masiibo weyn, ka dib markii Duufaanta Daniel ay ku dhinteen dad 10 kun gaadhaya, kuna barakaceen kumanaan kale.