Xuutiyiinta Yemen Oo Safar Ku Tagaya Sucuudiga

0

Riyadh (Arabsiyo) – Waxa isku soo dhawaanaya Dawladda Sucuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen.

Saraakiil ka tirsan Fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa u safraya magaalada Riyadh, halkaasi oo ay ku tagayaan booqashadoodii ugu horreysay oo si cad loo shaaciyo tan iyo markii uu qarxay dagaalka ay kula jiraan isbahaysiga milatari ee Sacuudiga uu hogaamiyo, sida wakaaladda wararka AFP ay Khamiistii u sheegeen ilo diplomasiyadeed.

Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa maalmaha soo socda wadahal la yeelan doona mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Sacuudiga oo 2015-kii howlgal milatari ku faragalisay dalka Yemen, lix bilood kadib markii Xuutiyiinta ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Socdaalkan, ayaa imanaya Toddobaad uun ka dib, markii Sucuudiga iyo Iran dib u soo celiyeen xidhiidhkoodii isla-markaana ay dib u fureen Safaaradahoodii Tehran iyo Riyadh.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office