USA (Arabsiyo) – Madaxweyne Biden iyo hoggaamiyaha Vietnam, Nguyen Phu Trong, ayaa ka digay khatarta ama adeegsiga awoodda badda lagu muransan yahay ee Koonfurta Shiinaha.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen oo la sii daayay ka hor inta uusan Mr Biden ka tagin Hanoi ayay ku nuuxnuuxsadeen inay si hagar la’aan ah u taageersan yihiin in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka si waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Weriye Vietnam ku sugan, ayaa sheegaya in arrintan si weyn loogu arko isku day lagu doonayo in looga hortago saameynta Shiinaha ee gobolka ee sii kordheysa.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiis dhanka duulista ah oo ku kacaya ku dhawaadsideed bilyan oo doolar oo ay kala saxeexdeen diyaaraddaha Vietnam iyo Boeing.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Cambodia, Hun Manet – oo waddankiisu ka mid yahay xulafada ugu xooggan Shiinaha ee gobolka – ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweyne Xi Jinping dhammaadka toddobaadkan.









