Libya (Arabsiyo) – Magaalada Derna ee ku taalla Bariga Liibiya, ayaa lagu aasay 700 oo qof oo ku dhintay daadad ba’an, iyadoo 10,000 oo qof oo kalena weli la’yahay.
Kooxaha gurmadka ayaa la tacaalaya sidii meydad badan oo kale ay uga soo saari lahaayeen daadadka argagaxa leh, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.
Masuuliyiinta Liibiya, ayaa aaminsan in daadadka ay ku dhinteen dad ka badan 2000 qof, ka dib markii duufaanta Daneil oo ka bilaabantay Badda Mediterranean-ku ay khasaare laxaad leh ka geysatay Magaalooyinka ku yaalla bariga dalka Libya
Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay Magaalada Darna, ka dib markii Roob xooggan iyo daadad ay qaadeen xaafado dhan, jebiyeena biyo-xidheeno.
Hay’adda Bisha Cas ee Liibiya, ayaa sheegtay in la la yahay ilaa 10 kun qof, ka dib daadad aan hore dalkaa loogu arag.
Madaxa Hay’addaas oo ka hadlayey shir ay Magaalada Geneva ku qabatay Qaramada Midoobay ayuu sheegay in laga yaabo in dhimashada dadku ay Maalmaha soo socda gaadho kumanaan.
Mr. Ramadan ayaa isagoo ka hadlayey Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Morocco oo khasaare laxaad leh sababay, ayuu sheegay in xaaladda Liibiya ka culus tahay ta Morocco.
Raysal-wasaaraha Xukuumadda fadhigeedu yahay Tripoli oo isaguna hadlay, ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay Daadadka duufaantu sababtay ay ka baxsan tahay awoodda dalkiisa Liibiya, uuna rumaysan yahay in dadka ka badan 10 kun qof ee la’ yahay ay dhinteen, markii daadadku jebiyeen laba biyo-xidheen.









