Hargeysa (Arabsiyo) – Saacadihii u dambeeyay, waxa baraha Bulshadu ku wada xidhiidho lagu baahinayey Warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu isku-shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Saraakiil Ciidan.
Wararkan oo bulshadu aad u qaadaa-dhigtay, ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu xilalkii ay Qaranka u hayeen ka qaaday Wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradda Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi, arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Caafimaadka Xasan Gaafaadhi iyo Waxbarashada Axmed Toorno, beddelkoodana uu u Magacaabay xubno uu ku jiro Siyaasiga Maxamed Carraale (Duur) oo loo dhiibay Wasaaradda Arrimaha gudaha, halka warar aan la hubin sheegayaan in Wasiir Maxamed Kaahin loo beddelay Wasaaradda gaadhaandhigga, halka xog kalena tibaaxday in Madaxweynuhu u soo jeediyey inuu ku koobnaado Xisbiga Kulmiye oo dhawaan Guddoomiyihiisa loo doortay.
Wararkan ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynuhu uu Cabdiraxmaan Xirsi Dhooble u magacaabay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, halka Wasiirka Isgaadhsiintana loo beddelay Wasaaradda Caafimaadka.
Xogta ayaa intaa raacisay in Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud iyo Guriyeyta Maxamuud Warsame Jaamac loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Somaliland
Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Beeraha Marwo Yurub Abiibna loo beddelay inay noqoto Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada
4.Maxamed Maydhane Ibraahim, ayaa la sheegay in loo magacaabay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland.
5.Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Cabdinajiib Ibraahim Muumin, ayaaa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.
5.Wasiir-ku-xigeenkii Xanaanada Xoolaha Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa la weriyey in loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
Hase-yeeshee, ma jiro war rasmiya oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Madactooyada JSL, wallow looga bartay Madaxweynaha inuu marmarka qaar uu si hoose isku bedel ugu sameeyo Masuiyiinta Dawladda, balse Arabsiyonews oo xidhiidh la samaysay Madaxtooyada, ayaa loo xaqiijiyey jiritaanka isku beddelka Wasiir ku-xigeennada Beeraha, balse waxay Madaxtooyadu meesha ka saartay jiritaanka in Madaxweynuhu uu xilka ka qaaday Wasiirro ama uu Magacaabay.
Wararka dheeraadka ah ku Wasiir ku-xigeennada la isku beddelay, oo aan la ogayn halka Dadweynuhu ka soo xigteen, ayaa abuurtay jaho-wareer isla-markaana Bulshadu aad isku waydiinayaan.
Balse, Wararka ku saabsan isku-shaandhaynta, ayaa ku soo beegmaya xilli ay dadweynuhu u dheg-taagayaan in Madaxweynuhu isku-shaandhayn buuxda ku sameeyo Golaha Wasiirrada oo qaarkood lagu dhaliilo in aanay lahayn saamayn siyaasadeed oo muuqata iyo awood ay Madaxweynaha kaga difaaci karaan dhaliilaha ka dhashay xaaladaha isbarkan ee xilligan Somaliland ka jira.









