Morocco Oo Diidday Gurmadka Dalalka Ka Mid Ah Yurub.

0

Morocco (Arabsiyo) – Ururrada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa bilaabay codsi degdeg ah oo lagu taageerayo dhibanayaasha dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay Morocco.

Agaasimaha howlgallada (Caroline Holt) ayaa sheegtay in xidhiidhku uu doonayo in uu u ururiyo lacag ka badan boqol iyo toban milyan oo dollar si loo helo bahiyaha ugu daran sida biyaha, nadaafada & hoyga.

Ugu yaraan laba kun iyo sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, oo inta badan saameeyay tuulooyinka fogfog ee buuraha Atlas.

Maamulka Morocco ayaa cadaadis lagu saarayaa inay u ogolaadaan dalal badan inay caawiyaan.

Gargaarka degdega ah waxa keliya oo laga aqbalay afar waddan oo kala ah Britain, Spain, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Caawimada kuwa kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka waa la diiday.

Bill Mato oo ka tirsan hay’adda samafalka Khalsa Aid ayaa ku sugan mid ka mid ah tuulooyinka fogfog, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid quus ah, isla markaana gargaarka dowladdu aanu si degdeg ah ku imaan tuuladan.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa ku adkaystay inay u taallo Morocco inay weydiisato gargaar si ay uga caawiyaan inay la tacaasho dhulgariirkii ba’naa ee halkaas ka dhacay.

Catherine Colonna waxay ka jawaabaysay su’aalaha ku saabsan sababta Faransiiska oo ah awooddii hore ee gumeysatay maroko – aan loogu darin dalalka loogu baaqay inay caawiyaan.

Paris iyo Rabat waxaa la haayeen xidhiidh adag sanadihii ugu dambeeyay. In kasta oo mas’uuliyiinta Faransiisku ay marar badan dafireen inuu jiro khilaaf, haddana jagada safiirka Morocco ee Paris ayaa bannaanayd muddo bilo ah, waxaana dhowr jeer dib loo dhigay booqashadii Rabat ee madaxweyne Emmanuel Macron.

Axaddii, madaxa samatabbixinta Faransiiska ee hayadda Secouristes sans Frontieres, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Morocco ay ka hortagayeen in kooxaha ururkiisa ay galaan dalkaasi.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office