Maraykanka Oo Cunaqabateeyay Sarkaal Dagaal Ka Wada Suudaan 

0

Suudaan (Arabsiyo) – Mareykanka ayaa bartilmaameed ka dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada militariga Suudaan isla-markaana saaray cunaqabateyntii ugu sareysay tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatay Suudaan.

Washington ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Abdelrahim Dagalo, oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha ciidamada degdega ah ee RSF, sababo la xidhiidha xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadannimada intii ay kooxdu la dagaalamaysay ciidamada Sudan.

Tallaabadan oo lagu dhawaaqay Arbacadii, ayaa jawaab muuqata u ah rabshadihii dhimashada badnaa ee dhawaan lagu arkay Galbeedka Darfur, kaasoo oo lagu edeeyay in RSF iyo kooxo ay xulufo yihiin ay dambeeyeen.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office