Madaxweyne Biixi Oo Ficil Kaga Jawaabay Warar Caafimaadkiisa Laga Faafiyey

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ficil kaga jawaabay warar laga faafiyey Xaaladda Caafimaadkiisa.

Maalmihii u dambeeyay, waxa la faafiyey Warar lagu sheegay in Madaxweyne Biixi uu xanuun ku soo booday oo xaaladdiisu wanaagsanayn, laakiin warkaasi ayaa been noqday, ka dib markii Madaxweyne Biixi uu Maanta socod lug ah ku maray inta u dhaxaysa Madaxtooyada illaa Gurigiisa gaarka ah oo Mastaafo ahaan kala durugsan.

Muuqaal la baahiyey, ayaa muujinaya Madaxweynaha oo aad u Tallaabaynaya, dadka Jid wadnaha Caasimadda marayana u gacan-haadinaya, si uu u salaamo.

Muuqaalkan oo dadweynuhu ku wadaageen Baraha Bulshada, ayaa qaarkood oo faallooyin ka bixiyey waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu warkii laga fidiyey Caafimaadkiisa ficil kaga jawaabay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office