Maraykanka Oo Baadi-goobaya Hoggaamiyaha Al-shabaab

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Dawladda Maraykanka, ayaa baadi-goobaysa Hoggaamiyaha Al-shabaab Maxamuud Cabdi Aadan Axmed Diiriye (Abu Cubayda) iyo Nin lagu Magacaabo Maxamuud Cabdi Aadan, kaasi oo ku eedaysan weerar lagu qaaday Hoteello ku yaalla Kenya.

Waaxda Barnaamijka Abaal-marinta ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka, ayaa boggeeda Twitter-ka ku baahisay Ogaysiis ah in ciddii keenta xog lagu soo qaban karo Maxamuud Cabdi Aadan ay heli doonto abaal-marin dhan 10 Million dollar.

Qoraalka uu baahiyey Barnaamijka Abaal-marinta ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, ayaa u qornaa sidan “Ma haysaa macluumaad ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan ama cidda kale oo ka mas’uulka ka ahaa weerarkii Dhismahii DusitD2 Hotel Complex? soo gudbi xogtaada. Waxaad heli kartaa abaalmarin gaadhaysa ilaa $10,000,000…”

Sidoo kale, waxa abaal-marin loo ballan-qaaday Ciddii keenta xog ku saabsan Hoggaamiyaha Al-shabaab Abu Cubayda.

Maraykanku wuxuu sheegay in intii uu Abu Cubayda Hoggaaminayey Al-shabaab ay weerarro ka geysatay Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Jabuuti.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office