Ruushka Iyo K/Waqooyi Oo Yeelanaya Iskaashi Millateri

0

Moscow (Arabsiyo) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa qorsheynaya inuu bishan u safro Ruushka si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin, sida uu sarkaal Mareykan ahi u sheegay warbaahinta.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadli doona suurtagalnimada in Kuuriyada Waqooyi ay Moscow siiso hub ay ku taageerayso dagaalka ay ka waddo Ukraine, ayuu yidhi Sarkaalku.

Ma cadda goobta rasmiga ah ee lagu wado in kulankoodu uu ka dhaco.

Ma jiro wax hadal ah oo deg-deg ah oo ku saabsan warbixinta, oo ay sidoo kale baahisay warbaahinta kale ee Mareykanka, ee Waqooyiga Kuuriya ama Ruushka.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay New York Times in Mr Kim ay u badan tahay inuu ku safro tareen nooca gaashaaman ah.

Kulanka suurtogalka ah ayaa yimid ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu hayo xog cusub oo ku saabsan in wada xaajoodyada hubka ee u dhexeeya labada dal “uu si firfircoon horumar u sameeynayo

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office