Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya aan waxba loo raaci doonin Dablaydii Buurta Gacan-libaax oo la sheegay in la kala diray.
Dablaydan oo diiddanayd in doorashada ururuada siyaasadda dalka laga qabto marka koowaad, ayaa dilay illaa 9 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Booliska, 17 kalena way dhaawaceen, ka dib markii Ciidammada oo roondo kaga jira deegaanka Go’da yar ee Gobolka Saaxil ay dhexda u galeen.
Laakiin, Wasaaradda Arrimaha gudaha oo Caawa soo saartay War-saxaafadeed qodobaysan, ayaa sheegtay in iyadoo cuskanaysa heshiiskii laga gaadhay khilaafkii doorashada aan waxba loo raaci doonin xubnihii dablaydaasi, halkaana lagu soo afjaro xaaladdii taagnayd.
Warqaddan oo uu ku saxeexan yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed, ayaa dhammaan dadka ay arrintani khusayso loogu soo jeediyey inay sidaa ku aqbalaan go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee ah Cafiska loo fidiyey Dablaydaasi.
Dablaydan, ayaa la xaqiijiyey in laga soo dejiyey Buurta Gacan-libaax, qaarkoodna dalka ka baxeen.
Arrintan waxa ka shaqeeyay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI yo Madax-dhaqameed ka soo jeeda Beelaha Gar-xajis oo dablaydu ku abtirsanaysay.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









