Oog (Arabsiyo) – Dawladda Somaliland, ayaa si buuxda u qorshaysay weerar culus oo Magaalada Laascaanood iyo deeganada galbeedka ka xiga lagaga sifaynayo kooxaha Huwanta ah.
Qorshaha Dagaalka Ciidamada Qaranku ku qaadayaan Huwanta Laascaanood, ayaa lagu dejiyey Degmada Oog oo uu ku yaallo Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Qaranku ku leeyihiin gobollada bariga Somaliland.
Salaasada Maanta, waxa Taliska Oog lagu soo dhaweeyay Boqollaal Askari oo soo dhamaystay Tababbar Muddo uga socday Dugsiga Tababbarka ee Dararweyne, kuwaasi oo diyaar u ah inay kaalintooda ka qaataan difaaca Qaranka iyo ka hor-tagga Kooxaha Huwanta ah ee doonaya inay dagaalka ku fidiyaan Gobollada bariga oo dhan.
Taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka JSL Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal u jeediyey Ciidamada gaadhay Oog, ayaa sheegay in Ciidamada Tababbarka soo dhamaystay inay guul u soo hooyaan Reer Somaliland, isaguna ku hor-soconayo hawl-gallada ka dhanka ah kooxaha Huwanta ah.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Ciidamada Qaranku difaacayaan Somaliland, si ay Nabad ugu noolaadaan Shacabka reer Sool iyo guud ahaan reer Somaliland.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay Shacabka JSL inay garab istaagaan Ciidamada Qaranka.
Sidaasi oo kale, Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda Saleebaan Warsame Gurey iyo Arrimaha Gudaha Maxamed K. Axmed, ayaa iyaguna dhiirigeliyey Ciidamada Qaranka ee diyaarka u ah difaaca Qaranka Somaliland.









