Dawladaha Reer Galbeedka Oo Imaaraadka Cadaadis Saaraya

0

USA (Arabsiyo) – Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay si wadajir ah cadaadis u saari doonaan dalka Imaaraadka Carabta, si ay Abu Dhabi u joojiso agabka ay u dhoofiso Ruushka.

Dhinacyadan ayaa ka cabsi qaba in agabkan qaarkiis loo adeegsan karo inuu Moscow ka caawiyo dagaalka ay ka waddo dalka Ukraine.

Warkan ayaa soo baxay, ka dib markii Imaaraadka ay ka shiraacdeen Maraakiib sida Badeecado kala duwan oo Dawladda Imaaraadku u dirtay Ruushka.

Dawladaha Maraykanka, Midowga Yurub iyo UK, ayaa sheegay inay Imaaraadka ku cadaadinayaan inuu joojiyo Maraakiibta uu u diray Ruushka, waxayna ka shaki qabaan In agabka Maraakiibtaasi sidaan ay Ruushka ka caawin karaan dagaalka Ukrain.

Sarkaal u hadlay Imaaraadka Carabta oo ka jawaabay qorshaha Reer Galbeedka, ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay In Imaaraadku u hoggaansan yahay cunaqabaynta Golaha amaanka Qaramada Midoobay, laakiin Imaaraadku leeyahay Habab sharci ah oo adag oo uu kula macaamilo Dawladaha Cunaqabayntu saaran tahay ee Ruushku ka mid yahay, sidaa darteedna ay Dawlad ahaan ilaaliyaan Nidaamka shixnadaha ay u diraan Ruushka oo iskugu jira Shixnado Rayid iyo qalab Ciidan ah.

Saraakiil ka socday Dawladaha Maraykanka, Midowga Yurub iyo UK, ayaa Shalay booqday Imaaraadka Carabta, si ay ugala xaajoodaan sidii loo joojin lahaa Qalab ay ka mid yihiin waxyaabaha Computerrada loo isticmaalo oo Isku-tagga Imaaraadka Carabtu u dhoofinayo Ruushka, kuwaasi oo loo adeegsan karo hawlo badan oo Millaterigu ku ka mid yahay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office