Somaliland Oo U Midoobay Difaaca Qaranka Iyo Sharafta Dhulkooda

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Guud ahaan Shacabka Somaliland, Muxaafidka iyo Mucaaridka, ayaa u midoobay difaaca Qaranka, ka dib markii shirqool loo dhigay Ciidamada Qaranku uu sababay dhibaaato soo gaadhay Ciidamadii ku sugnaa Jiidda hore ee Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa Jiidaha gobolka Sool, sida Maraaga iyo Gooja-cadde ayaa ka soo baxay, taasi oo keentay in Maleeshiyaadka Huwantu ay ciidanka badhkood dhexda u galaan isla-markaana dhibaato gaadhsiiyaan.

Sidaa darteed, waxa shir deg-deg ah Maanta yeeshay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah, Shir-guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka, si loogu diyaar-garoobo difaaca Qaranka.

Marka koowaad, Ciidamada Qaranka ee Jiidda hore, ayaa iskugu yimid Saldhiggga ugu weyn bariga dalka ee ku yaalla degmada Oog, halkaas oo ay ku sugan yihiin Saraakiisha Ciidamada ee kala sareeya, Wasiirrada Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka.

Taliska sare ee Ciidamada Qaranka ayaa isku beddel ku sameeyay saraakiisha Ciidamada Qaranka qaarkood, waxaana Taliyaha Aagga Bari ee Ciidamada Qaranka loo Magacabay Mujaahid Baashe Fanax oo ka mid ah saraakiisha ku suntan guulaha Ciidamada Qaranka, taasi oo qayb ka ah qorshaha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

Qorshaha dib u habaynta oo ujeeddada loo samaynayaa tahay in difaaca Qaranka la adkeeyo, ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku dhawaaqay in wax kasta oo dhacay Somaliland soo kabanayso oo ay dhulkeeda iyo sharafteeda difaacayso.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay In Guddi Baarlamaanka ah loo saaray baadhitaanka wixii sababay dhibaatada soo gaadhay Ciidamada Qaranka ee ku sugnaa jiidda hore.

Sidoo kale, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirri) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay difaaca Qaranka kala midaysan yihiin Qaranka intiisa kale.

Sidaasi oo kale, waxa Xaaladda Qaranku galay ka hadlay Guddoomiyeyaasha Ururrada siyaasadda ee Kaah, Horseed iyo Rejo, waxayna ku baaqeen in Midnimo iyo wada-jir lagu waajaho xaaladda dalku galay.

Waxa xusid mudan, in Shacabka Somaliland shucuurtoodu kacsan tahay, waxayna iyagoo ka xun wixii dhacay ay Dawladda la codsadeen inay si deg-deg ah u qaaddo tallaabo jawaab celin ku ah kooxaha Huwanta ah ee dagaalka Shirqoolka ah ku dhibaateeyay Ciidamada Qaranka.

Dadweynaha ku nool Magaalooyinka dalka, ayaa sameeyay dibed-baxyo ay taageero ugu muujinayaan Ciidamada Qaranka ee ka baxay Jiidda hore ee Gobolka Sool, iyagoo qaar qaadanaya Heesaha dhiirigelinta u ah Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office