Denmark Oo Soo Saaraysa Shuruuc Mabnuucaysa Gubidda Kitaabka Qur’aanka Kariimka 

0

Denmark (Arabsiyo) – Dowlada Denmark ayaa soo jeedisay hindisa sharciyeed lagu mamnuucayo in lagu gubo Kitaabka quraanka kariimka ah goobaha fagaarayaasha ah, kadib markii dhowr jeer oo hore kitaab la gubay ay Muslimiintu ka cadhiodeen.

Wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard ayaa sheegay in kitaabka quraanka oo la gubo ay waxyeello u gaysatay Danmark, isla markaana ay halis geliso ammaanka muwaadiniinteeda.

Sharciga la qorsheeynayo ayaa dambi ciqaab lagu muteysan karo ka dhigaya cid waliba oo si xun ula dhaqanta Qur’aanka ama Baybalka.

Waxaa qofka falkan lagu helo uu muteysan karaa ganaax iyo xadhig muddo 2 sano ah.

Xukuumadda midig-dhexe ayaa sheegtay inay doonayso inay caalamka u dirto farriin.

Bilihii la soo dhaafay, dhowr nuqul oo kitaabka qur’aanka kariimka ah ayaa lagu gubay dalka Denmark , taasi oo ay cadho ka dhalatay

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office