Moscow (Arabsiyo) – Diyaarada gaarka loo leeyahay ee ku burburtay Waqooyiga-Galbeed ee magaalada Moscow, ayaa waxaa saarnaa todobo qof oo rakaab ah iyo saddex shaqaale ah.
Dhammaan tobankii qof ee saarnaa diyaaraddaas ayaa dhintay, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah. Dhammaan meydadka ayaana la sheegay in la soo saaray.
Hay’adda duulista hawada ee Ruushka ayaa magacyada dadka rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradaas ku sheegtay inay kala ahaayeen:
Prigozhin iyo ninka lagu tilmaamay gacantiisa midig, Dmitry Utkin, Sergei Propustin, Yevgeny Makaryan, Alexander Totmin, Valery Chekalov iyo Nikolai Matuseyev.
Sadexda qof ee shaqaalaha diyaaradda ayaa iyaguna lagu kala magacaabaa:
Captain Alexei Levshin, ku xigeenka duuliye Rustam Karimov iyo Kristina Raspopova.









