Hargeysa (Arabsiyo) – Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Suudaan uu saameyn ba’an ku hayo guud ahaan dalka isla-markaana uu gobolka oo dhan u horseedi karo masiibo bini’aadantinimo.
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada iyo xoogagga hubeysan ayaa billowday bishii April, waanu sii fidayaa.
Isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa sheegay in gaajada, cudurrada iyo barakaca ay sababeen iskahorimaadyada ay khatar ku yihiin in ay la dagaan dalka oo dhan.
Waxa uu sheegay in boqolaal kun oo caruur ah ay hayso nafaqo darro aad u daran ayna qarka u saaran yihiin in ay geeriyoodaan haddii aan la daweyn.









