Laascaanood (Arabsiyo) – Dawladaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inay Maamulka Puntland ku amreen inuu ciidankiisa kala baxo Laascaanood.
Labada Dawladood oo Puntland u Tababbara Ciidamada la dagaalanka Argagixisada, ayaa la gaadhsiiyey War-bixin laga soo saaray Magaalada Muqdisho, taasi oo sheegaysa in dagaalka ka socda Laascaanood aanu ahayn mid u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka, balse ay ku jiraan Ciidamada Puntland ee ay tababareen Maraykanka iyo Imaaraadka Carabtu.
War-bixinta Dawladda Soomaaliya dirtay, ayaa keentay In Dawladda Imaaaraadku u yeedho Madaxweyne Deni, lana hor-dhigay Caddaymo muujinaya in Ciidamada Puntland ka dagaalamayaan Laascaanood, sidaa darteedna uu kala soo baxo, maaddaama oo ay iyagu Mushaharka siiyaan, laakiin waxa la sheegay in Deni uu sheegay in Ciidamada Laascaanood joogaa yihiin kuwii Puntland, balse ay Laascaanood u dhasheen.
War-bixinta ayaa Muqdisho laga diray, ayaa soo xiganaysa waraysiyo lala yeeshay Ciidamada halkaa ku sugan, arrintan ayaa
sii xoojinaysaa tuhunkii Beesha Caalamka iyo Domaliland ee ahaa in Dadka Laascaanood ka dagaalamaya aanay ahayn dadkii Gobolka.
Ciidamada PIS-ta ee Puntland, ayaa wax tababbaray Maraykanka isla-markaana Maalgeliya, waxaana loogu Talo-galay la dagaalanka Aragixisada, waxayna hoos tagaan Taliska Africom oo saldhiggoodu yahay dalka Jabuuti.
War-bixinta, ayaa xoojinaysa war-bixinadii hore ee ay Dawladda Somaliland la wadaagtay beesha Caalamka, taasi oo ahayd inay Laascaanood kula dagalaanayso Puntland iyo Argagixiso.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









