Hargeysa (Arabsiyo) – Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Maanta dood ka yeeshay xaaladda dhaqaale ee dalka.
Xildhibaannada ayaa sheegay in dalka uu ka jiro Sicir-barar saameeyay Maceeshadda quutal-daruuriga ah iyo Sarrifka lacagaha qalaad, arrimahaas oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto.
Xildhibaannada doodda ka qayb-galay, ayaa waxay qaarkood sheegeen in hoos u dhaca dhaqaale dalka ka jiro, arrintaana waxyaabaha sababay ay ka mid tahay Itoobiya oo joojisay inay Magaalada Wajaale dadkeedu ka iibsadaan illaa 40 Shay oo ay hore uga qaadan jireen, ka dib markii uu Sicirkoodu qaaliyoobay.
Waxa kale oo ay sheegeen in dhaqaale xumada dalka ka jirta uu qayb ka yahay suuqii Waaheen ee Magaalada Hargeysa ee gubtay sannadkii hore.
Xildhibaannadu waxa kale oo ay sheegeen in dhaqaale xumada dadweynaha haysata ay door ku leedahay Dawladda oo ay tilmaameen in dhaqaalaha yar ee hayso aanay u maamulin si sax ah, waxayse xuseen in xaaladdu dhaami lahayd, haddii Dawladdu dhaqaalaha ku isticmaalin lahayd meelaha ku habboon.
Sidoo kale, waxay ka warrameen inuu jiro suuq madow oo ah dhanka sarrifka lacagta dollarka, taasina saamayn muuqata ku leedahay dhaqaalaha dalka ee ay xaaladdiisa ka dayriyeen.
Mudaneyaashu waxay Xukuumadda u soo jeediyeen inay wax ka qabato arrimahaa ay ka hadleen.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









