Muqdisho (Arabsiyo) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo baraha bulshada ee Tiktok, Telegram iyo 1XBET.
Arrintan ayaa la go’aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowladda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa shir guddoomiyey shirka.
“Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.” Ayaa lagu yidhi war ay soo saartay wasaaradda isgaarsiinta.
Laakiin, Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in aan deegaamadeeda laga joojinaynin TikTok iyo Telegram.
Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Abdiweli Abdillahi Soufi oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi “Warqada Lagu joojinayo Telegram-à ,TikTok-ga ee ay somaliya soo saartay ma khusayso Jamhuuriyadda Somaliland ee waa hawl yaga u taala,
Waa Laba Dal oo Kala Madax-banaan oo mid waliba dowladnimadiisu Gaar u tahay”









