Hargeysa (Arabsiyo) – C/raxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye, ayaa farriin u diray dablayda Buurta Gacan-libaax ee diiddan doorashada Ururrada siyaasadda dalka.
Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golihii hore ee Wakiillad Somaliland, ayaa sheegay Inuu waayo-arag u yahay jabhadaynta iyo buur fuulidda, maaddaama oo uu ka qayb-galay dagaalkii sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994-kii, sidaa darteed qof kasta oo Maanta jabhadeeyaa uu Mustaqbalka ka qoomamayn doono, sidaa awgeed loo baahan yahay in laga waantoobo.
Mr. Caalin ayaa sidan ku sheegay hadal uu ka jeediyey shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Maanta Burco lagu soo gabogebeeyay.
Arabsiyonews.com/Hargeisa









