Duufaan Iyo Dhul-gariir Ku Wada Dhuftay Gobollada Maraykanka

0

USA (Arabsiyo) – Xarunta Dufaanada Qaranka ee dalka Marykanka, ayaa sheegtay in duufaanta lagu magacabo Hilary ay hadda u dhaqaaqday dhanka koonfurta gobolka California ee dalka Maraykanka.

Xarunta NHC ayaa sheegtay in dabaylaha duufaantu ay ku socdaan xawaare gaaraya 50 mayl saacaddiiba (85km/h), waxaa laga digayaa “musiibo iyo halis nafeed” oo ay keenaan daadad ay u badan tahay in ay ka dhacaan qaybo ka mid ah koonfurta-galbeed ee Maraykanka iyo Mexico.

“hoos u dhaca dabaylaha ayaa la filayaa inay sii socoto, duufaanta Hilaryna waxaa la saadaalinayaa inay noqoto dabaylo goos goos ah, ka dib kulaylka habeenkii,” NHC ayaa ku dartay.

Roobabka duufaanta wata ayaa jaray qaar badan oo ka mid ah jidadka waaweyn.

Wax yar uun ka hor inta aysan duufaantu ku dhufan gobolka California ee dalka Maraykanka, dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 5.1 ayaa ka dhacay waqooyiga-galbeed ee magaalada Los Angeles, waxaa sidan sheegay Sahanka Jiyoolajiga ee Mareykanka.

Gariirka ayaa laga dareemay magaalada Los Angeles, sida uu sheegay wariye BBC ka tirsan.

Ilaa hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay.

Nidaamka Digniinta Tsunami ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan mowjadda dhulgariirka.

Waddooyinka qaar ayey biyuhu buux dhaafiyeen iyada oo la arkayo biyo liqaya baabuurta halka jidadka qaar lagu dhex marayo doomaha ka samaysan bacda la buufiyey.

Waddo walba oo soo gasha ama ka baxda magaalada Palm Spring ayaa gebi ahaanba go’an.

Dhanka kale saameynta duufaanta ayaa la arkayaa geedo waaaweyn oo ay kusoo lagaday wadooyinka, guryaha iyo gawaarida. Waxaa meelaha qaar la arkayaa tiirarka korontada oo xarkohoodii wato oo kusoo dhacay waddooyinka waaweyn, taas oo halis kale oo dhanka korontada ah yeelan karta.

Qadka 911 ee gurmafdka degdegga ah ayaa sidoo kale ka go’ay magaalada Palm Spring iyada oo dadka lagula taliyey in ay wacaan lambarrada kale ee gurmadka degdegga ah ama ay farriin u diraan. Waxay masuuliyiintu sheegeen in ay hagaajin ku socota lambarka wicitaanka gurmadka ee 911.

Duufaantan ayaa ah tii ugu darnayd ee muddo 80 sano ah ku dhufata gobollada koonfur galbeed ee Maraykanka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office