Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Geerida 9 Askarta Booliska ah oo dablayda Gacan-libaax Shalay ku dileen jid-goyn.
Faysal Cali Waraabe oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada dhacday, waxaanu baaq u diray Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.
Wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu fidiyo gogol-nabadeed, si looga wada-hadlo doorashooyinka khilaafku ka taagan yahay, si doorashada dhacaysa la iskula ogolaado.









