Liyuu Booliskii Itoobiya Oo Lagu Sheegay Buurta Gacan-libaax

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Dablayda Buurta Gacan-libaax ee diiddan doorashada ururrada siyaasadda, ayaa waxa ka soo baxaya Warar dheeraad ah, kuwaasi oo ku saabsan Xubnaha ka midka ah.

Warar Warbaahintu heshay, ayaa sheegay in dablayda ay si qarsoodiya ugu biireen xubno hore uga mid ahaa Ciidamadii Liyuu Booliska ee Kililka shanaad ee Itoobiya ee dhawaan Dawladda Federaalku kala dirtay.

Xubnahan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda degmada Gaashaamo isla-markaana Somaliland yimid markii la kala diray ay ku biireen dablayda Gacan-libaax, si ay u xoojiyaan.

Arrintan waxa sii xoojinaya Sawirro la baahiyey, kuwaasi oo muujinaya Rag ku lebisan dirayskii ay caanka ku ahaayeen Liyuu Boolisku.

Sawirrada la baahiyey ee direyskaa laga arkay waxa ka mid ah Sawir ay Dablaydu Madaxa kaga taagan yihiin Meydka Askari ka mid ahaa Ciidankii Booliska ee ay Shalay jid-gooyada ku dileen, waxaana sawirkaa ka muuqanaya qof xidhan direyska Liyuu Booliskii Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay warqad u dirtay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, taasi oo ku saabsan arrimaha amniga.

Warqad uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed isla-markaana loo diray Dawladda deegaanka Soomaalida, ayaa lagu sheegay inuu 14-ka bishan August uu Xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha ka dhici doono shir ku saabsan iskaashiga nabadgalyada ee Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida oo horeba arrimaha amniga iskaga kaashan jiray “Waxaanu si xushmad iyo Maamuus leh idinku marti-qaadaynaa inaynu iska aragno hawlaha nabadgalyo ee ina wada khuseeya, si aynu u xaqiijino xasilloonida xuduudka dheer ee inoo dhexeeya..” ayaa lagu yidhi Warqadda Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland u diray Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Arabsiyo News heshay.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office