Hargeysa (Arabsiyo) – Ciidamada Amaanka Somaliland, ayaa ka hor-tagay Dablayda Buurta Gacan-libaax oo Maanta gelinkii dambe weerar ku qaaday Ciidamada RRU-da ee sugaya amniga degmada Go’da yar.
Ciidamada Nabadgalyada oo Maalmihii u dambeeyay ku sugnaa degmada go’da yar ee Gobolka Saaxil, ayaa la sheegay inay jid-gooyo u galeen dablayda diiddan doorashadu, taasi oo keentay inay dhintaan 9 Askari, 17 kalena dhaawacmaan, sida uu sheegay Taliyaha Booliska JSL.
Dablaydan, ayaa hore afduub ugu gaysatay saraakiil ciidan iyo odayaaal doonayay in ay waan waan la galaan, sidoo kale Arbacadii weerar ay ku qaadeen degmada Dabagoroyaale ayay afduub ugu gaysteen dirawal iyo 2 baabuur oo ay lahayd hay’adda Hello Trust.
Dhanka kale, Mudaharaado Rabshado wata, ayaa ka dhacay Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.
Mudaharaadkan oo ay dhigayeen dad dhallinyaro u badan, ayaa waxay qaarkood taayirro ku gubeen jidadka Magaalooyinkaas, waxayna dhagaxaan dhigeen waddooyinka.
Markii dambe, Ciidamada amaanka oo adeegsanaya Sunta Dadka ka ilmaysiisa, ayaa kala eryay dibed-baxyadan oo lagu soo beegay dagaalka ka dhacay go’da yar.
Laakiin, dagaalka ka dhacay Go’da yar iyo Rabshadaha xidhiidhsan ee Burco illaa Ceerigaabo ka dhacay, ayaa yimid Saacada uun ka dib, markii Kooxaha Huwanta ah ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood ay si toos ah fagaareyaal uga taageereen Dablayda Buurta Gacan-libaax ee Maanta Ciidanka amniga weerartay.
Kooxaha Huwanta ah ee Lascaanood oo lagu tuhunsan yahay inay gacan-saar la leeyihiin dablayda hubaysan ee dhawaan gashay Buurta Gacan-libaax, ayaa hadal ay soo saareen shalay ku sheegay inay taageersan yihiin dablayda gashay Buurta Gacan-libaax ee diiddan doorashada ururrada siyaasadda Somaliland.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadal ka jeediyey Magaalada Laascaanood, ayaa dhaqdhaqaaqa Dablayda Gacan-libaax ku macneeyay Halgan u wada Dan ah Soomaalida, arrintaas oo tilmaan u ah sida uu ugu faraxan yahay dhibaato ka dhacda Magaalooyinka Somaliland, waxaanu hadalkaasi xoojinayaa Tuhunkii laga qabay in labada kooxood.
Hadalka Garaadka ka hor, waxa mid ka mid ah Taliyeyaasha Maleshiyadka Laascaanood, ayaa wuxuu u sheegay inay diyaar ula yihiin Dablayda Gacan-libaax wixii taageero ciidan ah.









