Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Golaha Wakiillada ka wada shaqaynayaan sidii xal looga gaadhi lahaa dablayda diiddan doorashada Ururrada siyaasadda ee hubka la galay Buurta Gacan-libaax.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo Maanta ka hadal ka jeediyey Munaasibad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu si wanaagsan uga wada shaqaynayaan sidii loo soo afjari lahaa arrinta dablayda Buurta Gacan-libaax, meel fiicana wax u marayaan.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









