Tiapea (Arabsiyo) – Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan, Ms. Mei-Hua Wang iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa heshiiska u saxeexay labada dawladood iyagoo goob joog ay ka ahaayeen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashiid Ibrahim, Maareeye Xigeenka Hay’adda Aaga Cashuuraha ka Caagan ee Somaliland Abdikarim Ibrahim, Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Mudane Mohamed Hagi iyo ganacsatada labada waddan wakiilo metelaayay.
Labada wasiir waxa ay si weyn u amaaneen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay leeyihiin dawladaha Somaliland iyo Taiwan iyagoo ka warramay muhiimadda heshiiskan ganacsi u leeyahay ganacsatada labada waddan iyo gaar ahaan Somaliland oo ah marinka Africa ee ganacsiga Africa ee dalka Taiwan.
Heshiiskan, ayaa yimid ka dib markii Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ay safar shaqo ku tageen Caasimadda Taiwan ee Taipei.
War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Taiwan ee Hargeysa, ayaa lagu bogaadiyey heshiiska Ganacsiga ee dhex maray Somaliland iyo Taiwan.
Taiwan iyo Somaliland, ayaa leh xidhiidh Diblumaasiyadeed, kaasi oo soo taxnaa illaa 2020 oo ay labada Caasimadood ka furteen laba Xafiis Wakiileedyo.









