Hargeysa (Arabsiyo) – Taliska Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa beeniyey Warar sheegaya inuu iscasilay Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).
War qoraal ah oo lagu baahiyey Bogga Rasmiga ah ee Ciidamada Booliska, ayaa lagu yidhi “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin , tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga JSL .
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya, waxaanu imanayaa Subaxnimada Berri, Haddii Alle idmo.”









